Maxkamadda Shaqada iyo Shaqaalaha oo amar dhul dhigtay Gudoomiyaha Mandera.

0
258

Guddoomiyaha ismaamulka Mandheera Cali Roba ayaa hatan haysta ikhtiyaar ah inuu dib u soo celiyo sedex xubnood oo ka tirsan golaha fulinta ee ismaamulkas iyo sarkaal sare sare oo uu shaqada ka ceyriyay bishii Febraayo ama uu siiyo lacag ay ku leyehiin ilaa iyo maalintii laga ceyriyay shaqada oo lagu daray mushaarkooda mudada ka harsan ee qandaraaskooda shanta sano ah.

Xukunkan ayaa ka dhacay Khamiista maanta ah magaaladatan Nairobi .
garsooraha lagu magacaabo Onesmus Makau ayaa goa,an ka soo saaray Maxkamadda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Afartan mas’uul ayaa dacweeyay Barasaabka Countygas Mandheera Mr Cali Roba iyagoo ku doodaya in xil ka qaadistooda aysan ahayn mid sharciga loo maray.