Madaxweynaha dalka oo farin culus u diray madaxda dalalka Africa

0
211

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa madaxda kale ee wadamada qaaradda Afrika ugu baqay inay ka wada shaqeyaan la dagaalanka Coronavirus.


Waxaa uu Mr. Kenyatta soo jeediyay in la wadaago xogta la xiriirta COVID 19 sido kalena la iska kaashado uruurinta kheyraadka lagula tacaali karo.


Madaxweynaha wadanka ayaa hadlkan jeediyay xili uu ka qeyb galay kulanka midowga Afrika ee nabadda iyo ammaanka.
Dhankale beesha caalamka uga mahadceliyay taageerada ay sisay wadamada qaaradda.


Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku nuuxnuuxsaday in dowladaha iyo shacabka Afrika laga doonayo inay u midoobaan dadaallada ka dhanka ah cabuqan saameynta yeeshay.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in la dareemo culeyska cudurkan safmarka ah uu ku keenay xita wadamada dhaqaale ahaan ugu wanaagsan caalamka.


Waxaa uu xusay in 10 wadan oo ku yaalla Afrika laga diiwaangeliyay kiisas kor u dhaafaya 1000 .
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay kiisaska maalinlaha ah ee COVID 19 ee sii kordhaya.

Kulanka online ah ayaa waxaa ka soo qaybgalin madaxweynaha Masar Cabdel Fattax el-Sisi (Egypt), Paul Kagame (Rwanda), Idriss Deby (Chad), Andry Rajoelina (Madagascar), Felix Tshisekedi (DRC), Cali Bongo Ondimba (Gabon), Ibraahim Boubacar Keita (Mali) iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.