Ismaamulka wajir oo lagu qabtay dad looga shakisan yahay Coronavirus

0
219



Afar qof oo ka soo talabay xadka ay wadaagan wadamada Kenya iyo Soomaaliya, ayaa lagu qabtay Magaalada Wajir ee gobalka waqoyi bari Kenya.

dadkan la qabtay ayaa lagu karantiilayaa xarun go’doon ah oo ku taala Magaalada Wajir.

County Commissionernaha Wajir Jacob Narengo ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay gacanta ku dhigin 4 qof markii ay wadanka soo galin.

Mr Narengo ayaa dhankale sheegay in afarta qof aan san lagu arkin wax astaamo ah oo muujinaya inay qaban cudurka COVID 19 laakiin la karantiilayo 14 maalmood.

Wuxu ku nuxnuxsaday in ambulance loo diray magaalada Diff, ay ka soo qaday dadkan halkaas oo ahayd goobta marka hore ay ku sugnayeen dalkana ay ka soo galin.
sikastaba ha noqote lama cadaynin in dadka ay Kenyan yehiin iyo in kale.