war qoraal ah ka soo Booliska Soomaaliya oo looga hadlay dilkii Abwaan ka tirsanaa Kooxda Hobolada Heegan

0
125

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah ka soo saaray dil shalay magaalada Muqdisho loogu geystay Abwaan ka tirsanaa Kooxda Hobolada Heegan ee Ciidamada Booliska.

Abwaankan ayaa lagu magacaabayay Baashi Macalin Maxamuud, sidoo kalena ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa shalay gelinkii dambe ku dilay Xaafada Arjantiin ee degmada Kaaraan.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halka dilka uu ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska.

“Dhamaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dableyda Alifleeyda iyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (xijaar) waxaa uu ka tacsiyadeynayaa geerida Allaha u naxariisto Abwaan Baashi oo ahaa nin ee ku weyn tahay Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka waxuuna aha Sargaal ka tirsan Ciidan Booliiska Soomaaliyed waxaana uu ka baxay Dhammaan ummadda Soomaliyeed ayaa lagu yiri”Qoraalka Taliska Booliska.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka Sarkaalkaas booliska, ayna ka qaateen hub iyo dukumiintiyo uu watay, sida lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab.