Mozambique oo Shabaab ku eedeeyay in ay 52 ruux ku dileen waddankooda

0
107

Wararka aynu ka heleyno wadanka Mozambique  ayaa sheegaya in booliska waddankaasi ay sheegeen  koox la magac baxday Al-shabaab ay gudaha dalkaasi ku dileen dad u badan dhalinyaro oo gaaraya 52 ruux, taariikhda marka ay aheyd 7-dii April, sida lagasoo xigtay mas’uul u hadlay booliska .

Afhayeenka booliska Mozambique  Orlando Mudumane oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay, in ka ciidamo ahaan ay aad uga xunyihiin tillaabadaasi arxan darrada ah oo ay kooxdaasi ku dhaqaaqeen, isagoo intaa ku daray in dadka la laayay lagu qasbayay iney qaataan fikirka kooxdaasi, balse ay  ka diideen.

Afhayeen Orlando waxa uu intaa ku daray in dhalinyarada qaar la gowracay  halka kuwa kalana lagu dilay rasaas, booliska ayaa waxa uu sheegay iney hadda qorsheynayaan iney la yimaadaan hab dadka looga badbaadinayo kooxdaasi.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri “Ma jirto si looga sii aamusi karo Kooxdan Al-shabaab, iyagoo weliba dilaya dadkii rayidka ahaa, booliska waxa uu billaabayaa qorshe iyo hannaan dadka looga difaacaya kooxdaasi” .

Kooxdaan qaadatay magaca Al-shabaab waxey ka howl-gashaa dhinaca waqooyi ee Jamhuuriyadda Mozambique, waxey aad u la dagaallantaa dowladda, dhowr jeer weerarro ay qaaday waxaa ku dhintay dad rayid ah, laakiin lama oga in Al-shabaab-ka ka dhisan Soomaaliya ay isku xiranyihiin.