Nin hubeysan oo dad fara badan ku laayay dalka Canada

0
89

Nin hubaysan oo isu ekeysiiyay ciidanka boolis ah ayaa dad fara badan ku laayay gobolka Nova Scotia ee dalka Canada, iyadoo ninkan uu dab qabadsiiyay dadka uu laayay guryahooda.

Ninkan oo da’diisa aheyd 51 jir ayaa lagu magacaabayay Gabriel Wortman, waxaa uu dilay illaa 16 qof oo askari boolis ka mid aheyd, iyadoo dadka uu dilay badankood uu guryahooda ugu galay.

Booliska ayaa sheegay in ninka dilka geystay oo isagana dhintay, waxaana meydadka dadka ugu badan ee uu dilay laga helay banaanka iyo gudaha hal guri oo ku yaalla magaalada yar ee Portapique oo qiyaastii 100KM u jirta waqooyiga Halifax.

Waa dhimashadii ugu badneyd ee taariikhda ka dhacda dalka Canada, waxaana weerarkan ku soo aaday, iyadoo dowladda Canada la tacaaleyso ka hortagga cudurka Coronavirus.