Jaamacad ku taal Ingiriiska oo soo saari doonta Talaal loogu tala galay Coronavirus

0
130

Xeel-dheerayaan ku taqasusay cilmiga Sayniska  kana tirsan Jaamacadda Oxford ee ku taal dalka Ingiriiska ayaa sheegay in bisha September ee soo socota ay soo saari doonaan tallaal loogu tala galay Coronavirus.

Saynisyahanadan ayaa sheegay in talaalkan uu noqon doono ugu yaraan hal milyan oo Cirbadood, waxaana mashruucan taageeraya dowladda Ingiriiska.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in aanay jirin wax damaanad ah oo ku saabsan talaalkan, isla markaana aanay suurto gal ahayn in muddo loo qabto soo helidda tallaalkan.

Bukaanka ugu horeeya ayaa la filayaa in todobaadka soo socda lagu tijaabiyo Talaalkan loogu tala galay Coronavirus ee ay waddo Jaamacadda Oxford.

Illaa iyo hada lama ogaan karo wax tarka talaalkan, sidoo kale waxaa uu mugdi ku jiraa mudada uu qaadan doono in la helo talaalka, waxaana khubarada qiyaasayaan inay qaadan karto 12 bilood illaa 18 bilood.

Dalalka Adduunka ayaa la tacaalaya ka hortagga cudurka Coronavirus, waxaana socda dadaalo kala duwan oo lagu baadigoobayo in la helo daawo rasmi ah oo looga hortago cudurkaas.