Tartan Bisbees Cunis ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha ( Sheeko xiiso badan)

0
110

Kumanaan qof ayaa  isugu soo baxay Magaalo ku taala gobalka Hunan ee dalka Shiinaha halkaas oo lagu qabanayay tartan bisbees cunida oo sanadkastaba dalkaasi ka dhaca.

Tang Shuaihui oo ah nin u dhashay Dalka Shiinaha ayaa ka yaabsaday Daawadaayasha taratanka, kadib markii uu mudo 1 daqiiqo ah ( Hal daqiiqo) ah uu ku cunay 50 xabo oo bisbees ah, sida ay baahinayso warbaahinta maxaliga ah ee dalka Shiinaha.

Mr. Shuaihui ayaa jabiyay iskoor horay ugu yaalay Mr. Podium oo tartan sanadki hore lagu qabtay dalkaas ku guulaystay in uu cuno 15 xabo oo bisbees ah mudo 60 sikin ah.

Hunan ayaa caan ku ahaa cunida cuntooyinka kala duwan sida hilibka digaaga, waxa uu hadase la soo baxay cunida bisbeeska, waxa uuna jabsaday Record cusub oo aan horay loon jabin.

Cimidalada ayaa saaka ahayd 40 Degreee xiliga uu tartanku dhacayay sida kooxaha sadaasha hawada ay sheegeen.

Dalka Shiinaha ayaa caan ku ah tartamo layaab leh oo soo jiita indhaha Caalamka.