Ninka dunida ugu shaarubaha dhaadheer oo ku nool dalka Hindiya!

0
347

Girdhar Vyas waa 58 sano jir u dhashay dalka Hindiya gaar ahaan waxa uu ku nool yahay Magaalada Bikaner ee gobalka Rajasthan ee dalka Hindiya ninka ayaa sheegtay in uu yahay Ninka dunida ugu shaarubaha dhaadheer.

Shaarubihiisa ayaa korayay tan iyi 1985tii, waxaana lagu qiyasaaay 22 feet, iyadoo xusid mudantahay in ninkan uu kalsooni buuxda ku qabaa in uu yahay ninka dunida ugu shaarubaha dhadheer xiligan.

Waxa uu u sheegay warbaahinta in uu dadaal dheer ku bixiyo sidii uu u korin lahaa timahiisa shaarubaha si intan ay uga sii dheraadaan, islamarkaana aan loogu imaan rikoorka uu maanta haysto oo ah ninka ugu shaarubaha dhaadheer guud ahaan caalamka .

Mr Vyas ayaa iskoorka ka jabiyay ninka lagu magacaabo Ram Singh oo isna ka soo jeeda Dalka Hindiya horayna loogu aqoonsaday shaqsiga ugu shaarubaha dhadheer caalamka oo dhan waxaana shaarubihiisa lagu qiysaaa 18.5 feet balse ninka ayaa hada ah 22 feet haystana iskoorkan.

Mudo laba sacadood ama sadex sacadood ah ayay maalinkasta ku qataa ninka in uu ku saliideeyo timahiisa shaarubada.

Ninkan ayaa sheegay in mudo 33 sano ah uusan jarin timihiisa ujeedka uu kalahaana ay ahayd in mar un loo aqoonsado ninka ugu shaarubaha dhaadheer caalamka si loogu biiro buuga layaabka dunida lagu qoro ee (World Guinness record.)