Arooski ugu layaabka badnaa Caalamka oo ka dhacay Buur dhaladeed

0
895

Lamaanayaasha Dunida ku nool ayaa u madax banaan dookhooda ku aadan qaabka uu u dhacayo guurkooda iyo halka uu ka dhacayo.

Balse laba lamaane oo u dhashay gobalka Hainan ee dalka Shiinaha ayaa ka yaabiyay Dunida kadib markii ay door bideen in arooskoodu uu ka dhaco buur dhaleed iyadoo ka soo muuqday buur 100 KM u jirta dhulka.

Dadka ku takhasusay fuulida buuraha ayaa gacan ka gaystay in labadan lamaane ay saraan buurta dhaladeeda madaama ay iyagu door bideen in arooskoodu uu ka dhaco buur dusheed.

Sidoo kale muqaal duubayaasha ayay iyana qasab ku noqotay in ay fulaan buurta si ay u qadaan sawirada una dubaan muqaalada quruxoon ee labada lamaane ay ku galayaan buurta dhaladeeda.

Mar waxlaga waydiyay sabata ay u door bideen in arooskoodu uu ka dhaco buur dusheed ayaa labadan lamaane waxa ay sheegeen in ay rumaysan yihiin in jacaylkoodu uu sii xoogaysan doono maalinba maalinta ka dambaysa madaama ay nolashooda hada khatar u galiyeen jacayl dartiis.

Arooskan ayaa aad u soo jiitay dadyow badan oo dunida ku nool kuwaas oo bilaabay in ay u hambalyeyaan mucaashaqiinta dhigtay arooskan quruxda badan.