• Login / Register
  • MUUQAAL

    Dowladaha Qatar iyo UK oo ka shiray xaalada Soomaaliya

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Qatar Al Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxman AlThani ayaa kulan uu la qaatay wakiilka dowladda UK ee qaarada Afrika Julian Reyli waxa ay diirada ku saareen xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

    Wakaalada Wararka Qatar ee Qana ayaa sheegtay in wasiirku uu usoo bandhigay wakiilka UK ee Afrika dadaallada ay dowladda Qatar ugu jirto sidii dhinacyada Soomaalida ay uga heshiin lahaayeen arrinta doorashada iyo siyaasada guud ee dalka, si xasiloonida iyo nabada loo adkeeyo.

    Wakiilka UK ee Afrika ayaa ku bogaadiyay dowladda Qatar kaalinta ay ka gaysanayso sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, maadama uusan harin waqti kale oo la lumiyo.

    Labdaan mas’uul ayaa sidoo kale kulankoodii waxa ay diirada ku saareen siyaasadda dalka Sudan.

    Leave A Comment

    Newsletter

    Subscribe to our newsletter to stay.