• Login / Register
  • WARARKA

    Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

    Wararka ka imaanaya magaalada Mquqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku geeriyoodeen, qof kalena uu ku dhaawacmay qarax miino oo lala eegtay gaari nuuca loo yaqaan Land Cruiser oo marayay degmada Kaxda.

    Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in qaraxan uu ahaa mid lagu aasay jidka dhiniciisa, islamarkaana dadka geeriyooday iyo haweeneyda dhaawaca ahba ay dhammaantood saarnaayeen gaariga.

    Hay’adaha ammaanka iyo dambi-baarista ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, kuwaas oo baaritaan ku sameynaya dhacdadan, mana jirto faah-faahin dheeri ah oo ilaa hadda laga bixiyay.

    Leave A Comment

    Newsletter

    Subscribe to our newsletter to stay.