• Login / Register
  • WARARKA

    Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Galbeedka Beledweyne

    Warar aan ka heleyno gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxay sheegayaan in saakay dagaal khasaare gaystay uu ka dhacay duleedka iyo xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne.

    Dagaalka ayaa u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega, waxaana lasoo sheegayaa inay ku baxeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka howlgala gobolka Hiiraan.

    Goobjoogeyaal ayaa idaacadda Kulmiye u sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare ugu yaraan afar qof oo dhaawaca ah.

    Wararkii u dambeeyay ee dagaalka ayaa sheegaya in dib uu u bilowday dagaalka aagag cusub oo labada beelood ay wada dagaan.

    Dagaal ayaa salka ku haya dhul beereed, waxuuna dhex marayaa maleeshiiyaad ka soo kala jeeda beelo dega galbeedka magaalada Beledweyne, waxuuna dagaalkaan oo saakay ka bilaawday tuulo hoos tagta magaalada ku faafay xaafadaha dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Leave A Comment

    Newsletter

    Subscribe to our newsletter to stay.