• Login / Register
  • WARAR DIBADA

    Maxaad ka taqaanaa taariikhda Faraaciinta Masar, waase kee kan lagu sheegay Quraanka?

    Taariikhda Masaarida waa mid qadiimi ah. Khubaro ayaa muddo dheer ku bixiyay uruurinta raadadka qadiimka ah, waxaana loo qaybiyaa illaa Saddex wakhti oo kala ah, xilligii ka horeeyay xukunka qoysaska, xilligii ay xukumeen Faraacinnadii ka koobnaa qoysaska kala gadisan iyo taariikhda cusub oo ku beegan xilligii ay Roomaaniyiinta weerarka ku qabsadeen Iskandariya (Alexandria).

    Ka sheekeynta taariikhdan ballaaran waa mid keenaysa in dulmar uun lagu soo koobo. Waa taariikh laga qoray buugaag boqollaal gaaraya oo lagu bidhaamiyay cidda ay ahaayeen Faraacinnada iyo sida ay u xukumayeen Masar.

    WAA MAXAY FIRCOON

    Macanha Ereyga Fircoon ayaa lagu sheegaa inuu yahay dhaxalkii waynaa kadibna waxaa loo adeegsaday in loogu magac daro qasriyada looga arrimin jiray Masar.

    Ereyga Fircoon wuxuu ahaa magac si guud loogu yeero had ba boqorkii markaa u talinayay Masar, si la mid ah sidii loogu yeeri jiray qaybo ka mid ah boqorrada dowladihii waa waynaa ee soo maray dunida, sida Roomaaniyiintii oo boqorkoodu la odhan jiray Qaysar.

    Sidoo kale dowladdii faarisiiniyiinta oo boqorkoodu lagu magacaabayay Kisra iyo boqorradii ka ka talin jiray Itoobiya oo loogu yeeri jiray Najaashe.

    Faraacinnadu waxay ahaayeen boqorro xukumi jiray Masar oo ahaa kuwo ku nool barwaaqo lagu xardhay Udug iyo Dahab oo inta badan hantida ay lahaayeen lala aaso. Waxaa xitaa boqorradaasi ku jiray dumar

    Xukunka Faraacinnada ayaa ku salaysnaa kali talisnimo lagu xukumayay shucuub isugu jiray beeraleey iyo kalluumaysato masaakiin ah, wayna adkeyd in cid ay ka baxsato.

    QAAR KA MID AH BOQORRADII UGU CAANSANAA EE FARAACINNADA

    Boqorro badan ayaa soo maray Masar kuwaas oo ka koobnaa in kabadan 20 qoys oo kala gadisan oo muddo dheer xukumayay dhulka Masaarida. Waxaa ka mid ahaa kuwan:

    1-HETSHEPSUT (1458-1507 KA HOR DHALASHADA NABI CIISE CALAYHI SALAAM) - Boqoraddan oo haweeney ahayd waxay ka mid ahayd qoyskii 18-aad ee Faraacinnada Masar, waxayna ahayd mid xukunka haysay muddo 20 sano ah. Waxaa xilligeeda la sheegaa in hormar laga gaaray ganacsiga dibaadda.

    2-RAMESSES II (1213-1303 KA HOR DHALASHADA NABI CIISE CALAYHI SALAAM) - Waa boqorkii saddexaad oo ka mid ah qoyskii 19-aad ee xukumay Masar, waana mid ka mid ah boqorradii ugu awoodda waynaa, waxay masaarida ku tilmaamaan inuu ahaa awoowgood. Boqorkan ayaa xukunka ku fadhiyay muddo dheer oo lagu qiyaaso 65 sanno.

    3-EMNET III (1353-1391 KA HOR DHALASHADA NABI CIISE CALAYHI SALAAM) - Wuxuu ahaa mid ka mid ah boqorradii qoyskii 18-aad, waxaana la sheegaa in xilligii uu Masar xukumayay hormar ballaran laga garaay Farshaxanka.

    4-TUTANKHAMUN (1323-1341 KA HOR DHALASHADA NABI CIISE CALAYHI SALAAM) - Wuxuu ahaa boqor la sheego inuu xilka qabtay isagoo Toban sano jir ah, mana jiraan guulo la sheego inuu gaaray, balse wuxuu ka mid yahay Faraacinnada ugu caansan dunida.

    5-XERXES I (465-519 KA HOR DHALASHADA NABI CIISE CALAYHI SALAAM) - Waa boqorkii 5-aad oo ka ka mid ahaa qoys ka soo jeeday Furus (Iran) oo in badan isku dayay inuu weerarro ku qaado dowladdii Giriigga, waana mid ka mid ah madaxdii Faarisiyiinta oo ka mid ahaa Faraacinnadii soo maray Masar.

    6-AKHENATEN (1334-1380 KA HOR DHALASHADA NABI CIISE CALAYHI SALAAM) - Wuxuu ka mid ahaa Faraacinnada ugu caansan oo isbeddel ku sameeyay qaabkii ay u cibaadeesan jireen shucuubtii ay xukumeen Faraacinnada, waxaana la sheegaa in taasi ay keentay in la dumiyo taallooyinkiisa, ka dib markii uu dhintay.

    WAA KUMA FIRCOONKII NOOLAA XILLIGII NABI MUUSE (CALAYHI SALAAM)

    Majirto cid si cad u ga'aamin karta qofka uu ahaa fircoonka lagu sheegay Qur'aanka Kariimka.

    Balse daarta Fatwada Masar ayaa sheegtay in Ramsiiskii 2-aad uu ahaa fircoonkii noolaa xilligii Nabi Muusa.

    bbc

    Dhammaan taariikhda soo aroortay waa mid dadaal shakhsiyadeed ama mid wadareed ah oo is khliaafsan, kuwaa oo ku qotama laba arrimood oo kala ah:

    -Aragtiyo ku salaysan siyaasado gaar ahaaneed oo loo ekeysiiyay xaqiiqo taariikheed.

    -Iyo aragtiyo ku qotoma dhacdooyin gaar ah kuwaa oo loo cuskanayo xoojinta fikrado gaar ahaaneed oo lagu midabeeyay xaqiiqo ka daahsoon dhinacyo ay ahayd in laga taariikheeyo.

    Iyadoo boqorradii Faraacinnada, oo isugu jiray Rag iyo Dumarba, ay ahaayeen kuwo tira badan, haddana waxay u qaybsamayeen qoysas kala duwan oo marna awooddoodu ay ahayd mid xooggan marna hoos u dhac awoodeed uu ku imanayay.

    Saas oo ay tahay, haddana inta badan taariikhyahannada waxay tilmaamaan inuu ahaa Fircoonkii noolaa xilligii Nabi Muuse Calayhi Salaam, mid ka mid ah qoyskii 19-aad ee xukumayay Masar gaar ahaan Ramsiiskii 2-aad, sida ay raajixisay hooyga fatwada masaarida (Daru Al-Iftaa), oo ka jawaabaysay su'aal ku qotantay qofka uu ahaa Fircoonka lagu sheegay Qur'aanka Kariimka.

    Fircoonka 'Ilaahnimada' sheegtay ee lagu soo xigtay Kitaabaka Quraanka Kariimka ah, magaciisa wuxuu ahaa Ramsiis Amuun oo ku caanbaxay Ramsiiskii 2-aad waxaana loogu magic daray awoowgii oo isagu la odhan jiray Ramsiiskii 1-aad.

    Aabihii waxaa la odhan jiray Sitigii 1-aad, hooyadiina waxay ahayd boqrad lagu magacaabi jiray Tooya, halka xaaskiisa ugu caansan ay ahayd Nafartaari. Wuxuu kaloo lahaa xaasas kale oo ay ka mid ahaayeen Iisis Nuufart, Xuur Nafar Rac iyo Xaati, halka la sheego in carruurta uu dhalay inay gaarayaan sagaashameeyo oo midka ugu caansani yahay Mernebtaax (Merneptah) ama Menfataax, oo ahaa ninkii badalay geeridiisa ka dib, kaas oo taariikhyahannada qaar ay ku khaldaan inuuba yahay fircoonka lagu sheegay Qur'aanka.

    Ramsiiska 2-aad wuxuu xukumayay Masar muddo 65 sano ah, wuxuuna dagaallo waawayn ku qaaday dhanka waqooyi illaa dhulka Suuriya iyo dhanka Koonfureed oo xukunkiisu gaadhay dhulka ay dagaan dadka Nuubada la yiraahdo oo hadda ku nool Waddamada Masar, Suudaan iyo Kenya.

    Buuraha Nubiyaan oo loogu magac daray Ramses II

    XIGASHADA SAWIRKA,KHALED DESOUKI

    Qoraalka sawirka,

    Buuraha Nubiyaan oo loogu magac daray Ramses II oo la aaminsan yahay inuu yahay firoonka lagu sheegay Quraanka

    Awoodda boqor Ramsiiskii 2-aad waxay gaadhay heer uu sheegto Ilaahnimo. Sida diinta Islaamka lagu sheegay wuxuu amray in la gawraco ilmo kasta oo lab ah oo u dhasha reer Banu Israa'iil, cabsi uu ka qabay in uu dilo ilmo ka dhashay reerkaas oo ay uga digeen sixiroolayaashii xilligiisa noolaa.

    Markii dambana Ilaahay Subaxaanahu Watacaalaa ka soo dhex saaray Nabi Muuse oo ka horyimid Ilaahnimadii uu sheegtay islamarkaana sabab u noqday inuu ku qarqo biyo.

    Meydkiisu waxa uu yaallaa Matxafka weyn ee Masaarida kaas oo ku yaalla badhtamaha magaalada Qaahira meel u muuqata fagaaraha weyn ee Taxriir.

    XADAARADDII (HORUMARKII) FARAACINNADA

    Sida taariikha ku xusan, Masar waa Matxaf furan iyo Haro wayn oo ay yaallaan raadad taariikheed oo la xidhiidha xadaaraddii Faraacinnada. Tani waxay keentay in ay Masar noqoto goob ay booqdaan dalxiisayaal badan oo ay ka hesho dowladdu dhaqaale gaaraya 28% dhakhliga guud ee Masar.

    Goobta ugu caansan ee loo dalxiisa tago waa Ahraamaatka (dhismo saddex geesood ah) oo ah dhagaxyo waa wayn oo dhererkoodu kor u dhaafayo boqol mitir.

    Waa goob ka mid ah toddobada cajaa'ib ee dunida, waxaa la sheegaa in ay tahay qubuuro ay ku hoos aasanyihiin qaybo ka mid ah Faraacinnadii xukumayay Masar, sidoo kale waxaa jira ahraamaat yaryar oo ku kala yaalla Masar iyo Suudaan.

    Qoraalka Muuqaalka,

    Nin noolaa xilligii Fircoon oo codkiisa dib loo sameeyay

    Xadaaraddooda waxay caan ku ahayd dhisidda Macbadyo, taallooyin soo jiidasho leh, sida Macbadka Abu Sambal ee ku yaalla magaalada Aswaan ee dhacda koonfurta fog ee Masar iyo Macbadka Ramsiyoom oo ah goob gaar u ahayd Ramsiiskii 2-aad oo ku yaalla Magaalada Uqsur (Luxor), oo iyaduna saaran wabiga Niil. Waxay dhanka Koonfurta ka jirtaa magalada caasimadda ah ee Qaahira.

    Magaalooyinkii ay dhiseen Faraacinnada waxaa ka mid ah Magaalo la yiraahdo Awn, oo sidoo kale loo yaqaanno Hilyoboolis (Heliopolis). Waxay ka mid ahayd caasimadihii qadiimka ahaa ee Faraacinnada, balse la sheego in ay baaba'day oo uu kahadhay kaliya Tiir dheer oo ka samaysan dhagax afar geesod ah.

    Ahraamaatka waa wayn ee ku yaalla xaafadda Giisa (Giza) ee Magaalada Qaahira.

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,

    Ahraamaatka waa wayn ee ku yaalla xaafadda Giisa (Giza) ee Magaalada Qaahira.

    Taallooyinka ugu caansan waxaa ka mid ah Abulhawl, oo ku agdhisan Ahraamaatka waa wayn ee saddexda ah kuwaas oo ku yaalla xaafadda Giisa (Giza) ee Magaalada Qaahira.

    Waxyaabaha ugu cajiibsan ee aadka kuu soo jiidanaya kolkaad booqato matxafka Qaahira, waxaa ka mid ah qoraallo lagu xardhay dhagaxda oo ah kuwo lagu soo bandhigo suugaanta iyo taariikhda oo inta badan taariikhdan aynu sheegayno laga soo xigtay.

    Sidoo kalana xadaaraddii Faraacinnada waxaa ka mid ah farshaxanka oo ay aad ugu soo bandhigi jireen sawirrada boqorrada, qasriyada, sheekooyinka jacaylka iyo waliba hubkii ay ku dagaallami jireen.

    Faraacinnada waxay ahaayeen kuwo xidhiidh kala gadisan la leh shucuubtii dariska la ahaa, sida in ay heshiisyo la galaan, safarro ku tagaan iyo in ay ganacsi la sameeyaan intaba.

    Waxaa ka mid ah dhulka bariga Afrika, sida taariikhda ku qoran. Waxay la lahaayeen xidhiidh ganacsi.

    Waxaa la sheegaa in xitaa Soomaalida ay xidhiidh lahaayeen oo ay ka qaadan jireen Fooxa, Meyraxda, xabagta iyo qaar ka mid ah duur joogta, walow arrintani u baahantahay in dib loo raaco oo la kala caddeeyo in xidhiidhkan uu ahaa mid fog ama mid dhow.

    Waxaase taariikhda ku xusan in boqorad ka mid ahayd boqorradii Faraacinnada oo la odhan jiray Xetshepsut (Hetshepsut) in ay booqasho ku tagtay Geeska Afrika, halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay, sida laga soo xigtay qoraallo ku qoran qabrigeeda oo ku yaalla meel lagu magacaabo Dir Albaxri (Deir El-Bahri).

    Dhammaan waxaan sheegay iyo in kaloo badanba waa taariikh caddeeneysaa baaxadda wayn ee ay lahaayeen Masaaridii hore oo keentay in Baarayaal iyo Culumo badani ay baaritaanno wali ku wadaan taariikhda Faraacinnada.


    Leave A Comment

    Newsletter

    Subscribe to our newsletter to stay.