• Login / Register
  • CIYAARAHA

    Goorma Ayaa La Ciyaari karaa Kulankii Man United & Liverpool Ee La Baajiyay

    Kulankii la baajiyay ee Man United iyo Liverpool ayaa madax xanuun ku abuuray premier League maadama ayna Red Devils haysan wakhti furan oo ay la ciyaari karto Liverpool ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

    Kulankii Axada dhici lahaa ee weynaa ayaa la baajiyay sabab la xidhiidha mudaharaad xoogan oo ay sameeyeen taageerayaasha kooxda Man United.

    Man United ayay 6 kulan u dhiman yihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan marka laga hadlayo Europa league iyo premier League ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan taas oo keenaysa in wakhti loo waayo kulanka Liverpool

    Fursad walba oo uu kulanku ku dhici lahaa bartamaha todobaadkan ayaan jirin sabab la xidhiidha in ay Man United ciyaari doonto Europa league.

    Man United iyo Liverpool ayaa sidoo kale todobaadka dambe la kala ciyaari doona Southampton iyo Aston Villa.

    Kooxda Man United ayaa bartamaha todobaadka dambe la ciyaari doonta Leicester City iyada oo Liverpool todobaadkaas fasax haysato ka hor inta ayna Isniinta la ciyaarin West Brom.

    Labada kooxood ayaa sidoo kale bartamaha todobaadka xiga ciyaari doona kulamo ay la ciyaari doonaan Fulham iyo Burnley.

    Labada kooxood ayaa xilli ciyaareedkooda premeir League soo xidhi doona 23 may oo ku beegan Axad iyada oo 20-ka kooxood hal mar wada ciyaari doonaan.

    Arintaas ayaa la macno ah in ay labada kooxood kulankooda baaqiga ah ciyaaraan dhamaadka kulanka ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka.

    Leave A Comment

    Newsletter

    Subscribe to our newsletter to stay.