• Login / Register
  • WARARKA

    Ragga iyo Haweenka Booliska Kenya oo laga mamnuucayo in ay xidhiidh caashaq yeeshaan

    Kenya ayaa qorshaynaysa in ay mamnuucdo in xidhiidh caashaq iyo guur ahi dhex maro ragga iyo dumarka booliska ah.

    Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo xadiga falal dambiyeedyada ka dhasha xidhiidhka caashaq ee askarta booliska dhexdooda.

    Waxa sidaa sheegay wasiirka arimaha gudaha, Fred Matiangi', oo ka hadlayey xaflad telefishanka laga baahiyey oo ka dhacday kulliyada tabobarka bool Wasiirku wuxuu intaa ku daray in marka hore amarkan loo gudbin doono golaha nabad gelyada qaranka Kenya ee kor joogteeya ciidamada nabad gelyadu si uu u ansixiyo.

    Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in dhanka milatariga xidhiidhka noocan ah hore looga mamnuucay in ay is guursadaan askarta kala darajada sareeyaa.


    "Isha kama lalin karno hadda wixii ka dambeeya dhibaatooyinka ka dhex jira ciidanka nabadgelyada" ayuu yidhi Matiangi'i.

    Leave A Comment

    Newsletter

    Subscribe to our newsletter to stay.